16 March, 2012

TACSI KA TIMID LA-TALIYAHA MADAXWEYNAHA EE DHAQAALAHA IYO GANACSIGA


TACSI: MARXUUM XAAJI CARAB CIISE XAYD

Anigoo ku hadlaaya magaca Xafiiska La-taliyaha Madaxweynaha ee Dhaqaalaha iyo Ganacsiga, ka reer Cabdi Carwo, iyo kan xaaskeyga Amaal Cumar Carte, waxaan tacsi u dirayaa reer  Ciise Xayd oo uu hormood u yahay Xuseen Carab Ciise iyo dhammaan tafiirta, ehelka, xigtada, xigaalka iyo asxaabta Marxuumka meel kasta ooy joogaanba iyo guud ahaan bulshoweynta Soomaliland gaar ahaana gobalka MAROODIJEEX.

Xaaji Carab Ciise waxuu ku geeriyooday dalka Maraykanka, XAAJIGA  oo ahaa ganacsade weyne, waxuu ahaa nin af gaaban, cibaado badan oo miskiinka u gargaara, nabaddoon dadku afkiisa iyo adinkiisaba ka magan galeen.  Alle ha u naxariisto xaajiga.
Waxaan marxuumka Alle uga baryayaa danbi dhaaf, naxariis iyo inuu ka yeelo kuwa dhaxla janatul Fardaws, ehel iyo asxaabna waafajiyo samir iyo duco. Aamiin.

Ahmed Hassan Arwo
La-taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee Dhaqaalaha
samotalis@gmail.com

http://samotalis.blogspot.com/

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: