18 September, 2012

Dhanxiirka Jamhuuriya Muxuu Ka Yidhi In La Baadho Caafimaad-qabka Musharixiinta U Tartamaya Doorashada Golayaasha Deegaanka..!!


Dhanxiirka Jamhuuriya Muxuu Ka Yidhi In La Baadho Caafimaad-qabka Musharixiinta U Tartamaya Doorashada Golayaasha Deegaanka..!!

Hargeysa (Ramaas) Sept 18,2012 – Dhanxiirka Jamhuuriya ayaa maanta si layaab leh uga hadlay in Musharixiinta u tartamaysa doorashada Golayaasha deegaanka caafimaadkooda la baadho, qodobkaasi oo ka maqan xeerka doorashada oo ay ansixiyeen baarlamaanka Somaliland.
Haddaba Dhanxiirka Jamhuuriya oo falan-qeeya hadba xaalada ku soo korodha dalka, ayaa si cajiib ah uga hadlay sida loogu baahan yahay in Musharixiinta caafimaadkooda la hubiyo si loo helo Musharixiin jidh iyo maskax ahaanba u fayow.
Maansha Allaah
Alleylehe Wasaaraddii caafimaadku way asiibtay mar haddii ay tidhi murrashaxiintan xilalka ummadda u tartamaya horta ha la innaga hubiyo caafimaadkooda si aanay innoogu dhex dhuuman qaar maskaxda ka buka oo hadhaw khalkhal abuura. Ana waan taageero in arrintaas  lagu daro ayey ahayd shuruudaha murrashaxiinta laga rabo. Becouse, ummaddu way isku dhex jirtaa oo inta xaragoonaysa ee maskaxdoodu aanay miisaanayn baa badan. Xannuunka iyo caafimaadkaba illaahay baa keena ee in la is-dhibsadana maaha.
Weger:
Adeer kuwii xannuunada dhimirka qabay baa dariiqyada daadsan oo cid daryeesha la’.  Haddii ila ina wada baadhana waxaan ka baqayaa in wax fayowba la innaga waayo ee duuduubkaas aan isku wadano, maskax xannuunkuna maaha inta maryaha dhigata ee siyaabo badan buu ku yimaad. Waxaase ka sii qurux badan in murrashaxiinta laga baadho cudurka iimaan la’aanta si aan hantida ummadda loo boobin.

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: