09 July, 2016

TACSI KA TIMID LA-TALIYAHA MADAXWEYNE EE DHAQAALAHA GEERIDA XAAJI ABOKOR MAXAMED X XASAN

TACSI KA TIMID LA-TALIYAHA MADAXWEYNE EE DHAQAALAHA 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

la-taliyaha Madaxweynaha JDS ee Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga Mustashar Axmed Carwo waxa uu tacsi u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum  Xaaji Abokor Maxamed Xasan oo ku geeriyooday 05/07/2016 dalka Hindia, isagoo in muddo ahba halkaa u jiifay xanuunkaa uu u geeriyooday.

Waxa  marxuumku ku astaysnaa Oday qaran, kana soo shaqeeyey dib u dhiskii dalka iyo nabad kuwada nolanshaha shacbiga Somaliland ku dhaqan, isagoo door muhiima ku lahaa taban taabadii iyo taabbo galkii Xisbi weynaha Kulmiye.

La-taliyahu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo Qoyskii, Qaraabadii, Eheladii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna uu waafajiyosamir iyo duco.

 

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Mustashar Axmed Carwo

No comments: