22 October, 2016

DHAMBAAL TACSI AH OO UU DIRAYO MUSTASHAR AXMED CARWO, GEERIDA MARXUUM PROF AXMED CABDI DACAR


Displaying FB_IMG_1477089019141.jpg
DHAMBAAL TACSI AH OO UU DIRAYO MUSTASHAR AXMED CARWO, GEERIDA MARXUUM PROF AXMED CABDI DACAR.



 Waxaan tacsida la wadaagayaa anigoo ka wakiil ah dhammaan reer Cabdi Carwo, xaaskeyga Amaal Cumar Carte, ehel, asxaab, qaraabo, xigto iyo xigaalka marxuumaka, gaar ahaan Xaaskiisa Iyo tafiirtiisa degan dalka Sweden iyo reer Cabdi Dacar meel kasta ooy joogaan.

 Marxuum Prof Axmed waxuu ahaa macalin debed iyo gudaba Somali iyo Ajanabiba wax baray. Aqoonyahan aan kala masuugin dalkiisa ka qayb qaadashada horumarkiisa fikir iyo maadiba. Waxuu hirgeliyey Kuliyadda Macalimiinta xili ayna jirin Jamacad iyo waxbarasho sare, isagoo aqoon sanaa sida loogu baahan yahay macalimiin tayeysan.

Proff Axmed oon muddo dheer aqiinay waxaan ku xasuustaa hadal caddaan, mabda adeeg, aftahan si hawl yar wax kaaga dhaadhicin kara, mufakir aaminsanaa cadaaladda bulsho, neceb musuqa, jecel dimuquraadiyadda iyo talo wadaaga, nin aad u aaminsanaa qarannimada Somaliland oo mararka qaar aanu ku doodnay mustaqbalka doorashooyinka dhowaan, oo xataa aaminsanaa in haddii nabad lagu helaayo lagu laaluusho hoggaanka cidda nabad diidka ah. Waxuu wax walba ka hor marinaayey wadajirka iyo midnimda Somaliland.

Marxuum Prof Axmed waxa iigu dambeysay bishan October horaanteed anagoo fadhi iyo qadaba ku wadaagnay hotel Gulaid. Waxuu u eekaa nin ka soo bogsoonaayey xunuun muddo hayey. Rajadiisa iyo ka fakirka mustaqbalka dalka sida uu uga hadlaayo umaad arkeen nin xanuunsan.

 Alle waxaan uga baryayaa inuu ka abaal mariyo falalkiisa wacnaa, dambigiisana dhaafo uguna naxariisto wanaaga uu la jeclaa ummadiisa.

Proff Axmed Cabdi Dacar waxa lagu aasay 21/10/2018 xabaalaha Naaso Hablood ee caasimadda Hargeysa.

Allow qabriga u nuur, u waasici, ugana dhig beer ka mid ah beeraha janatul fardawsta sare. Annagana dhammaan na waafaji samir iyo duco.

Axmed Xasan Carwo

http://samotalis.blogspot.com

No comments: