23 January, 2017

DHAMBAAL TACSI AH UU DIRAAYO MUSTASHAR AXMED CARWO , GEERIDA MARXUUM XUSEEN CALI XIRSI


INAA LILLAH WA INNAA ILLEYHI RAAJACUUN. Waxaan tacsi u dirayaa xaasaskii, tafiirtii, ehelkii, qarabadii, xigtadii, xigaalkii, iyo guud ahaan qaranka Soomaliland xukuumad iyo shacbiba geerida Maxuum Mujaahid Xuseen Cali Xirsi Carwo 
Marxuum Muj. Xuseeni, waxuu ahaa nin naftiisa u huray qaranka, isaga oo ilaa xiligii gumeysiga ahaa shaqaale dawladeed, isla markaasna qayb libaax ka qaatay halgankii SNM isaga oo dhammaan guddoomayaashii SNM la shaqeeyey oo u ahaa Chief of Staff, isla markaasna la soo shaqeeyey seddexda Madaxweyne ee Cabdirahmaan, Cigaal iyo Riyaale, kaalin talo bixin ahna la lahaa Madaxweyne Siilaanyo kolkan oo uu da' ahaa. Nin firfircoon oo ka dhaqdhaqaaq badan dadiisa, waayo arag aan afkiisa xumaan iyo xajiimeyn  ka caaganaa, siyaasi danta guud ku hawlanaa oon marna ku danaysan. Waxuu ahaa aasasayaashii xisbigii UDUB

Oday dhaqan iyo siyaasadda casriga ah isku si u yaqaanay, dhalin iyo waayeel yaqaanay sida uu ula hadlo. Nin aan wax badan ka kasbaday taariikh iyo aqoon dad iyo dalba ah.

Alle waxaan marxuumka uga baryayaa dambi dhaaf, iyo inuu qabriga u nuuro una waasiciyo, kuna manaysto jannatul fardaws, dhammaanna ina waafajiyo samir iyo duco.

INNAA LILLAAH WA INNA ILLEYHI RAAJACUUN.

Mustashar Axmed Xasan Carwo
La-taliyaha Madaxweynha JSL ee Dhaqaalaha,Ganacsiga iyo Maalgashiga,
samotalis@gmail.com
00252 634242077


http://samotalis.blogspot.com/

No comments: