08 May, 2017

DHAMBAAL TACSI AH OO KA YIMID MUSTASHAR AXMED CARWO GEERIDA MARXUUM KEENADIID C/KARIM JAAMAC

Waxaan tacsi u dirayaa ehelka, asxaabta, qaraabada iyo xisbiga Kulmiye U.K, ee uu ka baxay

Marxuum Keenadiid Cabdikariim Jaamac oo 7/05/2017 ku geeriyooday dalka Ingiriiska ee U.K. Waxaan si gaar ah u tacsiyadeynayaa gobalka Sool ee ay xuduntiisu ku aasnayd.

Keenadiid waxuu xisbiga Kulmiye si xamaasad leh oo niyad ah ugu soo biiray socdaalkii kal hore Guddoomiye Muuse Biixi oon la socday ku tegay U.K. Waxa xusid mudan inuu ku biiristiisa ku sababeeyey murashaxnimda Muuse.
Marxuum Keenadiid waxuu ahaa nin aftaham ah oo wadaniyad lexaad lihi qalbigiisa fadhido, nin qarannimo ka door biday qabiil, nin mabda' ka raacay mansab. Intaan London joogay qayb ka mid ah socdaalka waxaa si joogto ah wehel ii ahaa Keenadiid oon ka helay xogo badan oo Sool iyo duruufaheeda ah. Nin hammo dheer lahaa ooy u muuqatay Somaliland oo mustaqbal wacan ka soo ifaayo. Nin diyaar u ahaa ololaha doorashooyinka oo uu tabaabushaha ugu jirtay imaatinka dalka iyo inuu qayb libaax ka qaato ololaha KULMIYE.

Waxaan si gaar ah u xusuustaa qudbadii uu ka jeediyey kulankii Madaxweyne Axmed Maxamed iyo Jaaliyadda Somaliland ee UK kana dhacday London iyo tii la midka ahyd ee Murashax Muuse loogu qabtay isla London..qudbad quluubta dadka gashay, oo si xirfad leh oo xikmad, waayo-aragnimo iyo taariikh ka buuxdo uu madasha si heer sare ah uga akhriyey. Waxay ahyd qudbad si cad u bayaamisay shakhsiyadda marxuum Keenadiid.

Alle ha u naxaraiisto Marxuum Keenadiid, qabriga ha u nuuro, hana u waasiciyo, oo ha uga dhigo beer ka mid ah kuwa fardaws. Ehel iyo asxaabna heyna waafajiyo duco iyo samir.

Inaa Lillaah wa inaa illeyhi raajacuun.

Mustashar Axmed Carwo
La-taliyaha Madaxweynaha ee Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga
samotalis@gmail.com
00252 63 424 2077

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: