08 May, 2017

DHAMBAAL TACSI AH OO KA YIMID MUSTASHAR AXMED CARWO GEERIDA MARXUUM MAXAMUUD CABDILAAHI JAAMAC (SIFIR)


La-taliyaha Madaxweynaha JSL  Mudane, Mustashar Axmed Carwo, waxa uu tacsi u dirayaa waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Ambassador Maxamuud Cabdilaahi Jaamac (Sifir) oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu ahayd 05.05.2017, dalka Maraykanka gaar ahaan magaalada New York City.



Marxuumka waxuu ahaa oday ka baxay dhamaan ummadda ku hadasha afka Soomaaliga, gaar ahaan Reer Somaliland, waxaanu marxuumku ka mid ahaa siyaasiyiinta ugu magaca weyn dhulka Soomaalidu degto, xilkii u danbeeyey ee uu Qaranka somaliland ka soo qabtayna waxa uu ahaa Safiirka Somaliland ee Dalka Kenya u fadhiya.


Mustashar Axmed Carwo waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.


Mustashar Axmed Carwo
0252 63 4242 2077


IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: