30 September, 2017

BANDHIGA BARNAAMAJ SIYAASADEEDKA KULMIYE EE DHAQAALAHA-1

BANDHIGA BARNAAMAJ SIYAASADEEDKA KULMIYE EE DHAQAALAHA-1

Mustashar Axmed Xasan Carwo


Waxa aan si taxadir leh idiinku soo qadimi doonaa kuna qoran af iyo hab shacab weynha aan aqoon dhaqaale lahayn loo fahamsiiyo, barnaamajka Murashaxiinta Madaxtooyada ee Kulmiye ay ummadda u soo qadimayn oo noqonaysa axdi ay la galeen bulsho weynta Somaliland.
Dhaqaalahu kuma kooban hawl maalmeedka Wasaaradda Maaliyadda ee waa mid xukuumad iyo shacbiba siyaabo kala gedisan u taabanaaya. Uma jeedo cashuurta oo si dhab ah u taabanaysa ruux kasta oo dalka ku siman amba siyaaraba u yimaada muwaadin iyo ajnabiba. Waxaan u jeedaa in dhaqdhaqaaga ganacsi iyo wax soo saarkuba si toos ah u taabanaayo dhaqaalaha kordhis amba dhimisba. Si sahlan haddaan u bayaamiyo oon matal u qaadano hawlaha Wasaaradaha Wax soo saarka leh sida: Beeraha, Xoolaha, Ganacsiga iyo Wershadaha, Macdanta iyo Tamarta, Hawlaha Guud iyo Gaadiidka, Deegaanka,Duulista iyo Dekedaha, Kaluumeysiga iyo Biyaha intaba waxay yihiin qaar si toos ah u abuura dhaqaalaha. Intaas kuma koobna ee waxaaba la yidhaahda dhaqdhaqaaq kasta oo admigu sameeyaa dhaqaalaha ayuu cilaaqaad la leeyahay. Haddaba iyada oo barnaamajku si gooni gooni ah u eegaayo Wasaaradaha wax soo saarka, aan ku bilowno sida barnaamajku u qoran yahay, qodobada ugu muhiimsan inaga oo diiradda saari doonaa doorka wasaaradda Maaliyadda.
1.       La-dagaalanka saboolnimada.
Waajibka saran xukuumad dadkeeda danaysaa, waxa kow ka ah inay nolosha dadweynha kor u qaado. Waxa safka hore ka galaaya inay danyarta noloshooda si toos ah hore u qaado inta kareenkeeda ah. Si taas loo dhaqaajiyo, waxa barnaamajku balan qaadayaa :

  • ·         Waxa kor loo qaadi doonaa dakhliga danyarta, iyadoo la siin doono awood dhaqaale oy u furtaan meherado iyo ganacsiyo yaryar.
  •       WAxuu dhiirigelin doonaa sidii loo samayn lahaa hay’ado maaliyadeed oo kaaliya bulshada danyarta ah
  • ·         Waxuu xoogga saari doonaa sidii ayna bulshadu u kala tegteen ooyna u abuurmeen dabaqado dhaqaale oo aad u kala sareeya.
Aan faalayno sida seddexdan qodob ay u hirgeli karaan. Hay’adha maaliadeed wax ka mid ah sanduuq loo xadido danyarta ooy xukuumaddu hormood ka tahay bal se ay gacan laga heli doono muwaadinka qurbo jooga ah, iyo kuwa gudahaba iyo isla markaas Xukuumadaha saaxiibka aynu nahay iyo hayadaha caalamiga ah.  Waxa la dheeri gelin doonaa abuurista iskaashatooyin iyo shuraake ay danyartu wax isku darsato, lagana caawiyo suuqaynta wax soo saarkooda miyi, beeraley iyo magaalaba. Iskaashatooyin Beero iyo Kalluumeysato. Waxa Iyana la gacan qaban doonaa in danyarta la siiyo mudnaan gaar ah dhinaca shaqaaleenta iyo bixinta waxbarasho.

Waxa jira mawaadiic si dadban u gargaaraaya danyarta sida: La dagaalanka Sicir Bararka iyo xoojinta isticmaalka shilinka, ilaalinta suuqa xorta ah iyo la dagaalanka monoboliga, iyo tan ugu weyn ee ah casriyeynta maamulka iyo yoolka cashuuraha. Dalkeena manta cashuurahu wax yar mooyee waa qaar ku dhisan Cashuurta Dadban oo u badan tan kastamka ee bedeecadaha la saaro. Taas oo culeeskeedu (Tax burden) uu si gaar ah ugu dhaco danyarta. Waxa inta awoodeena ah si joogta ah loo hore marin doonaa cashuurta tooska ah (Direct Tax) ee la saaro macaashka muwaadinka. Taas oo u dhow cadaaladda, kuna dhisan waxa ruuxu macaasho sharkad iyo fardiba. Halka manta Matalan cashuurta raashinka ay danyarta iyo qanigu isku si u sarantay. Kolka cashuurta tooska ah hore loo mariyo waxa suurtagal noqonaysa in cashuurta raashinka la dhimo amba aan marna la kordhin.
 Iftiimin yar, waxa ruuxa danyarta ihi dakhligiisa 80% ilaa 100% ku bixiyaa raashin iyo labiskiisa, kolka maal qabeenku ay tahay wax aan macno lahayn oo sifiro badani ka horeeyaan numab la soo qaadan karo. Taas ayaa ka dhigeysa in culeeska cashuurta kastamku si aad u xad dhaaf ah ugu dhacdo danyarta.
Mawaadiicdan sida dadban u taabanaaya danyarta, iyaga oo tafaasiil ah ayeynu mar kale booqan doonaa Insha Allah.
Barnaamakan oo hadafkiisu yahay inaynu si hawl yar u fahamsiino muwaadinka oo uu qiimeynteeda ku siiyo codkiisa Murashaxiinta Kulmiye ee axdigan la galay, waxaan si kookooban oo sahlan idiinku soo bandhigi doonaa silsilado maqaalo gagaaban ah iyo Video dhinaca Facebook iyo YouTube ka  ah, Insha Allah.

Halkan ka daawo video ahaan:

https://www.youtube.com/watch?v=6N-bi6X2AUg&feature=youtu.be

Tan iyo tu kale salaami korkiina ha ahaato.

U CODEE KULMIYE SI AAD U HESHO BARNAAMAJKAN NOLOSHAADA KOR U QAADAAYA.

Mustashar Axmed Xasan Carwo



http://samotalis.blogspot.com/

No comments: