23 December, 2017

Mustashar Axmed Carwo waxuu dhambaal tacsi ah ka dirayaa geerida Marxuum Maxamed Yoonis Cawaale


Mustashaar Axmed Carwo waxa uu tacsi u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Yoonis Cawaale oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu tahay 21/12/2017, Dalka Ingiriiska.

 Marxuum Maxamed Yoonis waxuu ahaa saxiib qaali ah oo uu na walaaleeyey mabda siyaasi ah anaga oo ilaa aasaaskii xisbiga Kulmiye aan maalina ka nasan dhismihiisa iyo horumarkiisa duruufo kasta oo naga soo martay. Rag xisbinimada aaminsan, oo u dhabar adeegay duufo qalafsan oo in yari u adkeysan karto.

Alle ha u naxariistee Marxuumku waxa uu soo qabtay xilka wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibeda Jamhuuriyadda Somaliland, wakhtigii dawladii Madaxweyne Silaanyo, waxaanu ka mid ahaa aas-aasayaashii xisbiga Kulmiye isagoo noqday gudoomiyihii u horeeyay ee xisbiga Kulmiye u magacaabo UK, sidoo kale waxa uu ka mid ahaa golihii dhexe ee xisbiga, waxaanu kasoo qayb qaatay halgankii dib u xorreynta dalka, Marxuumku wuxuu in muddo ah u jiifay xanuunkan uu u geeriyooday xalay. Waxa kale oo uu ahaa guddoomiyaha Radio Horyaal, idaacaddii guusha xisbiga qaybta libaax ka ahayd doorashadii Madaxtooyada 2010,

 Waxaan Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, qabriga u nuuro oo uu u waasiciyo, ugana dhigo beer ka mid ah kuwa fardawsta sare. Qoyskii, eheladii, qaraabadii, xigto iyo xigaal, asxaabtii iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna waafajiyo Samir iyo duco.Aamiin

Mustashar Axmed Xasan Carwo

No comments: